Xaalka Gedo Yaan Laga Dhigin Geel Caloosha Laga Raray!!!

axmedmadoonexasansheekh

Maanta waa 7/6/2023 akhbaaraadka maanta waxaa I soo jiitey wasaarada arimaha gudaha ee DFS oo baahineysa bayaan magacaabis gudi ee loo magacaabay Gobolka Gedo lagana sii daayey warbaahinta DFS, magacaabistaas oo uu magacaabay Axmed Maxamed Islaam,waxaan isweydiiyey wasaarada arimaha gudaha DF ma xoghaynta Axmed Madoobe bay noqotay, warbaahinta DF kaase ma Axmed bay u shageysaa ileyn Axmed wuxuu leeyahay warbaahin asagu leeyahay oo u shaqeysee?.

Waa dharbaaxadii labaad oo Hiraab iyo Ogaadeen iska kaashadeen oo loola bareeray Gobolka Gedo, ayyada oo tii hore ahayd xildhibaanadii Gobolka gedo ee inta Garbahaareey laga qaaday lagu soo doortay xerada ciidanka Keenya ee Ceelgaaloow. (GUDIN YAHAY HADDAAN GOBOKAY KUGU JIRIN IMA GOYSEEN),

Haddaba waxaa wax laga yaqyaqsada ah shaqsiyaadka yeelay in lagu soo doorto xereda ciidanka Kenya ee ceelgaaloow ee u qaatay in xil la siiyey (SANDAREERTADA SOORUU CUNEY MOOD WASE LAGU SIREY.

Arinkaas wuxuu ahaa tijaabo in Sade dhexdiisa laga helaayo qaar baqtiga cuna oo aan waxba u urin waxna u dhadhamin,waana tan keentay in maantana la yiraahdo noo raadsha, kuwo kale oo aan damiir lahayn oo aan ku kala jabino bulshada Gobolka Gedo oo foolxumadii hore weli diidan.

Axmed in uu Gedo maamul u magacaabo waxaa ka horeysa in waxa Bulshada Jubalaand iyo Axmed Maxamed Islaan dhex yaal Xal loo helo oo ah (IN LA HELO JUBALAANDHI LA WADA LEEYAHAY OO KA BILAAMEEYSA TASTUUR KU YIMAADA WADAR OGOL) (MABA LULATEE MAXAY LEEFTAA).

 Ugu denbayn kuwii cadka quureed ka soo qaatay Ceelqaaloow waxaan ku boorinayaa (RAG WAA KII KUFA OO HADDANA KACA ),hayeelina in foolxuma labaad loo geysto bulshada Gobolka Gedo ka dagaalama, kuwa hadda la magacaabay waxaan leeyahay iscasila oo magac iyo maamuus ka dhexraadiya bulshada Gobolka ayyagaa beri idin dooran doonee (NIN DHARBAAXO QUUREED DUGSADEY DHAQAYADEED MAALYE DHASHAADA BAY SUGTAA XAAJADAAD DHAWRATAA ABIDE), bulshada Gedo waxaan leeyahay haysdhiibina waxa Xamar lagu karinaayey labada bilood ee maanta ka soo baxay waa duleeyntiina ee hayeelina (NIN CIID KUGU XAARAY CALOOSHIISA BUU KUTUSAY ) bay ka dhigan tahay arintaan waxna idiin dhimi meyso.

Waa bilaahi towfiiq, 

Cabdullaahi jimcaale faarax

1 Comment

  1. Soomaali ninba kii degaan iyo ehel ahaan u xigay arkay,
    Puntland v dawladda federalka.
    SSC/KHAATUMO v Somaliland.
    Gedo v Jubbaland.
    Hiiraan v Hirshabeele.
    Koonfur/galbeed v Alshabaab.
    Galmudug v dagaal sokeeye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.