Qoorqoor oo Mashaariicda horumarinta ee Beesha Caalamka Ka Joojiyey Caabudwaaq Balanbal iyo Dhabad

Qoorqoor

Maamulka Galmudug ayaa ah Maamul aan wax soo saar lahayn kuna tiirsan deeqaha caalamiga ah iyo kuwa dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed kaariye Qoorqoor ayaa markii la doortay waxaa uu safaro badan ku tagay Degmooyinka Dhabad, Caabudwaaq iyo Balanbale kuwaas oo uu balanqaaday inuu wax ka qabanayo baahiyaha ka jira halkaas.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa diiday inuu hay’adaha beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta Bulshada inuu la wadaago baahiyaha ka jira Degmooyinka aan kor kusoo xusnay.

Dhanka kale Degmooyinka aan kor kusoo sheegnay waxaa maamulka Galmudug ku matala Madaxwayne Kuxigeenka, Wasiiro, Xildhibaano, wasiir dowlayaal, wasiir kuxigeeno iyo Madax kale Dhamaantood waxay ka gaabiyeen Inay Madaxwayne Qoorqoor la xisaabtamaan oo ay kala hadlaan cadaalad darada uu ku hayo Deeganada ay matalaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.