Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:
- Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.
- Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Xilka qaadistaan ayaa timid kadib markii khilaaf soo kala dhex galay Deni iyo wasiir Galan oo ay hayeen saaxiibo islu dhaw.
Leave a Reply