Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxwayne Xasan sheekh ayaa General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, u Magcaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. kaddib Markii uu xilka ka qaaday Taliyihii hore Ciidanka Xooga Generaal odawaa.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada Xiligii hore ee madaxwayne Xasan Sheekh ahaa Madaxwaynaha.
Leave a Reply