Soomaaliyee Dalku Wuxuu Na Leeyahay Halay Badbaadiyo W/Q Dhiblaawe

xasansheekh

Aan ku bilaabo qormadayda maahmaah caana ee dhahaysa (KORWAAYEEL WAA WADA INDHO) oo loola jeedo qofka qaangaarka ah oo maskaxda iyo jirka ka fiyoow waa garan karaa waxa markaas socda, timaadadana waa sii, odorasi karaa,wixii tegeyna asagaaba goobjoog ahaa, mid kalana aan raaciyo ee dhahaysa(WAAYEEL WAA ANAGA OO AAN IS YEELYEELIN), ku darso orahdaan (BILOOW XUN DHAMAAD XUN BUU LEEYAHAY).

 

Marka aan ka soo bilowno xulashadii labada gole ee baarlamaanka,waxay ahayd mid loogu talagalay xulasho ahayd in la soo saaro xubno aan aragti gaara yeelan Karin ee la hogaamin karo si loogu xumeeyo xukuumadii markaas jirtey, waxayna ku dhamaatay 15/05/2022 doorashadii madaxweynaha oo 39 musharax kii ugu liitey oo horey loo soo tijaabiyey ayna ku magan tahay hantidii maguurtada ahayd ee umadda iyo weliba wixii dalka dakhli soo galay,kursigana baneeyey shaqaalaha iyo ciidamada oo aan 9 bilood mushaar qaadan.

15/05/2022 ilaa maanta maxaa dhacay, xaggee ku danbeysaa (SOOMAALI HESHIISA DUNIDANA LA HESHIIS), Bal eega halaaga ka socda Laascaanood, dabka ka ololaaya Garoowe, midiyaha laysugu dhiibey Hirshabeelle, duulaanka lagu qaaday koofurgalbeed iyo Jubalaandhi oo mindiyaha laysugu soofaynayo, intaas waxaa dheer buuqa iyo cabashada muqdishow ka taagan, boob, awood sheegasho iyo musuqmaasuq baahsan oo aan loo meeldayeyn, fadlan Soomaaliga fiyoow ha ka jawaabo arimahaan;-

  1. Durbaankii naloo tumay ee Al shabaab baa dalka laga xoreynayaa xaggee ku danbeyaa?
  2. Ragii laba maamul Al shabaab ka saaray see loola dhaqmay waa Cali, Odawaa iyo Biixiye?
  3. Hubkii dalku lahaa ee qaar beela gaar ah la siivey, qaarna Al shabaab loo gacan geliyey maxay kula tahay?
  4. Dagaalada min waqooyi ilaa koofur la geliyey dalka ma u egtahay in dalka loo celiyey 1991kii,waa sidii MW Xassan sheikh iyo kooxdiisii ololaha ku galeene? 
  5. Ciidamada faraha badan ee dawladaha shisheeye loo goraaya ee ka amar qaadanaya maxaa ka danbayn?
  6. Sow ma muugato in dalka loo banaynaayo Al shabaab ama shisheeye kale?
  7. Ciidankii tababarnaa ee Soomaaliyeed iyo hubkoodii Xaalkoodu see yahay? 

 Ugu denbayn wixii difaaci lahaa waa labada gole oo aan kor ku soo sheegay in loo keenay in wax lagu xumeeyo 90% damiir ay ku gartaan waxa dhacaya iyo waxa ka imaanaaya malaha, hoggaanka waxaa u haya kuwa dalka in laga badbaadiyo la doonaayo,waana sidii markii xoraba xulkoodu ahaa ee dalka mabadbaadsanaa Soomaalkiyeey.!!! 

W/Q, DHIBLAAWE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.