Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo Garoowe u yimid Sidii ay Xalin lahaayeen Qaska Ka jira Puntland

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo Raysalwasarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa maanta lagu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Cabdiweli Cali Gaas ayaa sheegay in ujeedka Socodkooda inuu yahay inay qayb ka noqdaan xalinta rabshadiihii ka dhacay Puntland, wuxuu sheegay in codsi bulshada uga yimid darteed ay u yimaadeen.

Raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in xil ka saaran yahay haddii dhib jirto sidii ay xal waara loo heli lahaa, Puntlandna looga bartey waxkasta oo dhaca is-af-garad ay ku dhamaadaan oo wada hadal looga gudbo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.