Agaasime Koofi oo Ka Mid noqday liiska dowlada Shaacisay ee loo haysta Musuqmaasuqa

koofi

Agaasimaha hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa kamid noqday 18 mas’uul oo ay ku jiraan 9 baxsad oo lagu eedeeyey Musuqmaasuq iyo xatooyo xoolo dowlo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa soo bandhigay liiska 18 mas’uuliyiin dowladeed ah, kuwaas oo 9 kamid ah baxsad ka yihiin cadaaladda.

Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir loo gudbiyay liiska 18 ruux oo ku eedeysan been anuur dukminti ,lunsasho , leexsasho iyo  xatooyo xoolo dadweyne , dayacaad iyo gudasho la’aan waajibaadkii saarnaa ,iyagoo ka faaideysanaya xafiis dowladeed.

Hadaba halkan hoose ka Akhriso liiska mas’uuliyiinta xiran iyo kuwa baxsadka ah cadaaladda ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka uu soo bandhigay:-

JOOGE

Cabdulaahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (06-08-2020.

Maxamed Cadde Mukhtaar Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqad iyo Arrimaha Bulshada (2015 – 2020

Cabdullaahi Maxamed Cosoble Agaasimaha Waaxda Ajaaniibta

Cumar Macallin Kutiin Agaasime ku xigeenka Waaxda Ajaaniibta

Saadir Xasan Cabdi Nuur Madaxa Hubinta Visa kordhinta Waaxda Ajaaniibta

Aadan Maxamed Cabdi Maamulaha Qaadasha Visa-ha ee Waaxda Ajaaniibta

Abubakar Maxamed Cali Maamulaha Cashuuraha Barigga

Cabdiqaadir Cabdi Socdaal (Abtidoon) Khasnajiga qaybta Ajaaniibta

Maxamed Aadan Cabdullaahi Maamulaha Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde

MAQANE

Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.

Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasnajiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde.

Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim Shaqaale ka tirsan Waaxda Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqaalaha.

Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey) Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Barigga.

Maxamed Idiris Axmed Madaxa Canshuuraha Dadban ee Wasaarada Maaliyadda.

Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimihii hore ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Cabdiqaadir Cilmi Cali Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Maxamed Cali Caadle Agaasimihii hore ee Waaxda Ajaaniibta.

Abubakar Xasan Aadan Madaxii hore ee xaqiijinta Documents-ka Codsiga Visa kordhinta Waaxda Ajaanibta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.