Sawiro:Guddoomiyaha golaha Shacabka oo shir-guddoomiyay kullanka Guddiga joogtada ah

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka 24-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS oo looga hadlaayay dib u furida kulamada Golaha iyo soo bandhigista nuqulada iyo ajandeynta kulamada ka harsan kalfadhiga seddaxaad.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada Golaha iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda, dib u eegista dastuurka KMG ah iyo heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha.

Waxaa la isku raacay in guddi gaar ah oo ka tirsan guddiga joogtada loo saaro, kaas oo kasoo tala bixiya go’aankii ama heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen isla-markaana warbixintooda ku soo celiyaan Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.