Ciidamada Xoogga la wareegay xarumihii ay banneeyeen ciidanka ATMIS

wasiir

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka Qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen Ciidanka ATMIS.

” Waxaan maanta halkan u joognaa inaan si rasmi ah aan u shaacino una sheegno inaan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen labo kun oo ka mid ah ciidanka ATMIS,taas oo ah heshiiskii horay loo galay, waxaa xaqiiq ah walaalaheen ATMIS oo muddo nala joogay in ay shaqo wanaagsan nala qabteen, waqtina ay geliyeen amniga Dalka si ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni fiican”, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa qiray in ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen heer lagu haleyn karo amniga dalka una diyaargarowbeen inta ka dhiman dhammaadka 2024, oo ku aasteysan bixidda askariga ugu dambeeya ee ciidamada ATMIS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.