Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo hawlgal ku dilay xubin katirsan khawaarijta

Galmudug

Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanayey Ciidanka degaanka Bajeela ayaa howlgal Qorshaysan oo ay ka fuliyeen Duleedka degaanka Baraag-Ciise waxay ku dileen xubin ka mid ah Maleeshiyaadka  khawaarijta halka mid kalena  nolasha lagu soo qabtay, ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay  mooto, isgaarsiinta ciidanka iyo hubkii ay wateen dhagar qabeyaasha weerarka ay ku qaadeen.

Howlgalkan ayaa yimid kadib markii  bulshada daggan deegaan Baraag-Ciise ay ciidanka ku soo wargaliyeen in laga qaadayo lacago baad ah oo aysan awoodin.

Sarkiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in si guul leh uu ku soo dhaamaday howlgalku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.