Sawiro:Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay madax ka socotay hay’adda WFP

guudlaawe

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen,ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, Agaasimaha Madaxtooyada, Lataliyaha Madaxweynaha Mudane Yuusuf Cabdi Cabdulle Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Gudoomiyaha Degmada Jowhar ayaa looga hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle, Taageerada Beeraleyda si kor loogu qaado horumarinta wax-soosaarka beeraha, caawinta barakacayaasha, maalgelinta iskaashatooyinka beeraleyda, caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, Shaqo Abuur dhalinyarada iyo Kaalinta Hay’adda WFP ee horumarinta Magaalooyinka laga xoreeyay kooxaha khawaarijta ah.

Madaxweynaha,ayaa uga mahadceliyay Hay’adda WFP garab istaagga ay siiyaan shacabka Hirshabeelle gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-dega ah isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista maalgashiga, horumarinta iyo wax soosaarka beeraha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.