Muuse Biixi oo Qaabilay Ergadii Muqdisho uga Timid arinta Laascaanood

Muuse

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Casho Sharaf ah ku qaabiley Madax Dhaqameedkii Iskood Isu Xilqaamay.

Hargeysa-13-07-2023-()-Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii Xalay kulan casho sharaf ah la qaatay odayaashii dhaqanka ee iskood isu xilqaamay ee nabadda iyo walaaltinimada u yimid dalka si ay qayb uga noqdaan arrinta nabad ku soo dabbaalidda magaalada laascaanood.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyay odayaasha dedaalkooda iyo dhabar adaygii ay Ka muujiyeen xal u helidda nabadda magaalada Laascaanood, iyaga oo muddo ku sugnaa dalka.

Waxaanu madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda nabad-raadinta, ka dawlad ahaana ay ku garab taaganyihiin, sidii ay horeba ugu muujiyeen kalsoonida cid kasta oo nabad u socota, collaadda Laascaanoodna wanaageeda wadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.