Aadan Madoobe oo Cabdi Xaashi ku wareejiyey heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran

Aadanmadoobe

kulan ay maanta wada yeesheen Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)ka dhacay Xarunta VILLA Hargeisa ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen ku xigeennada labada Gole ee Baarlamaanka JFS, ayay u jeedadiisu ahayd ku wareejinta Guddiga Dib-u -eegista iyo La Socodka higelinta Dastuurka heshiisyadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran si ay uga baaran degaan, uguna baddalaan luuqad qanuun oo dastuuri ah, isla markaana u soo gudbiyaan fadhiyada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay iyaguna waajibaadkooda Dastuuriga ah uga gutaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.