Akhriso:Wasiirrada Soomaaliya oo ka dooday Amniga dalka oo Sii Xumaanaya

Xamze

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga hadlay Amniga Guud ee dalka oo sii xumaanaya iyo Dib-u-habeynta Hannaanka iyo Maamulka Dowladnimada casriga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixin ku saabsan amniga dalka gaar ahaan dagaalada ka dhacay koonfurgalbeed, hirshabeelle iyo guulaha laga gaaray dagaalka alshabaab.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka lagula jiro Khawaarijta, iyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada howlgallo qorshaysan iyo dagaallo guulo laga gaaray oo laga fuliyey qaar kamid ah gobollada dalka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa loo soo bandhigay Habka Maareynta Waxqabadka Iyo Adeeg Siinta Bulshada oo wax badan kusoo kordhin doona Isbeddelka Qaybaha Dowladda, sida Hoggaaminta toosan, Maamul-Wanaagga iyo Hirgelinta Istiraatijiyadaha u Horseedi kara Soomaaliya Horumar Dhaqan-Dhaqaale oo Deg-deg ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.