Taliyaha Boliiska Soomaaliyed oo karmeeray Dugsiga Tababarka General Kaahiye

Boliis

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye oo ay ku diyaarsan yihiin cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiraya Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka ILaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar.

Ciidankan cusub oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano ayaa ah kuwa wax bartay oo kasoo aflaxay Dugsiga sare iyo Jaamacadaha ayaa dhawaan la filayaa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Boliiska iyo kuwa Ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose si ay qeyb uga noqdaan sugidda Amniga iyo bilicda Caasimadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.