Reer Gedo Goorma Ayey Baraarugayaan??? W/Q Jimcaale

xasansheekh

Dad badan oo Soomaaliyeed oo samejecle ah ama Soomaalinimadu ku weyn tahay baa xaqiiqda u sheegay reer Gedo, kuwa tira badan oo beesha Sade u dhashay oo arkaaya haaddaanta loo qodaayo baa xaqiiqda ka hadla, dhinaca kale waxaa ii muuqda in badan oo aan usha lala dhacaayo kaba xanuunsanayn,,

Aragtidaan waxay ku jaan go,antahay isku daygii ugu denbeeyey ee Axmed Maxamed Islaan isku dayey in uu beesha Sade isku laayo dhiigooduna isku daato, waxay ahayd arintaan mid ka dhalatay kadib shirkii Golaha wadatashiga qaranka ee ugu denbeeyey, markii Axmed Madoobe Xamar wax badan joogey asaga oo talawadaag la lahaa madaxda dalka ugu sareysa oo xaalka Gedo ay isku fakar ka yihiin in reer Sade meeqaamka ay ku leeyihiin dalka ama miisaankooda la tirtiro, taas oo la qorsheeyey in sideedda degmo oo gobolka gedo gacanta beesha Sade laga bixiyo iyo sidoo kale in laga dheereeyo biyaha bada (Kismaanyo) lagana barakiciyo deegaanada ay ku leeyihiin Jubada Hoose, waxaa ka dhashay arintaan:-

1-Hubkii difaaca xudduuda gedo yiiley oo laga raray.

2-Gudi gobol oo la soo magacaabay.

3-Gudigii oo markii wadar loo keeni waayey si dhuumaaleysi ah mid mid loo geeyey meesha jufadiisu u badan tahay.

Tilaabada ku xigtaa maxay noqon:-?

1-Dadku waa baahan yahay qaar baa sandareerto la siin doonaa si ay xabad u ridaan oo beesha dhexdeeda dagaal looga abuuro.

2-Markii sade dhexdiisa dagaal laga abuurana waxaa diyaarsan ciidamo beesha Axmed Madoobe ah oo cagta marin doona Mareexaan.

1-(Nin hooyadi cadceed u jiiday ayeydi hoos ma geeyo).

2-Doqon usheeda baa lagu tumaa.

3-Laaca aragtaye laaga ma ogtahay?

4-Sanahaabada soor uu cunay mood wase lagu siray.

5-Anqow isku dhufte asagaa u dhutin

6-Ninkii walaalki ka taga nin walaalki wata baa dila.

7-Laxwalba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaa.

qoraalkaan warbixinta iyo tusaalaynta iskugu jira waa baraarujin dadka Jubalaandhi gaar ahaan Reer Gedo, markii aan arkay horgalada Axmed Madoobe soo diray kuwo u sabcinaaya, aan ku soo gunaanado in aan Beesha Sade Axmed iyo Xassan shiikh kala jeclayn, islamarkaasna neceyb isku mida u qabaan qorshohooda dhabtaana yahay in laysku jabiyo marka ay isku riiqmaana laga qabsado Gobolka Gedo oo dad kale lagu beero.

Markii aan dhegeystay Sheekh Cabdi Hirsi iyo Faarax cabdulqaadir oo si dhab ah u qeexay waxa lala damac sanyahay Reer Gedo oo aan midkoodna ka tirsanayn Beesha Sade ayyaan go’aansaday in aan saddexeeyo oo aan uga digo bohosha loo qodaayo Reer Sade.

wabilaahi towfiiq Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.