Sheekh Shariif iyo Guudlaawe oo Burka Diirimeed ka Daah Furay Shir dib u heshiisiin

shariif

Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta deegaanka Burka Diirimeed ka daahfuray Shirka Dib u Heshiisiinta Beelihii Walaalaha ahaa ee dhowaan ku dagaalamay deegaano hoos yimaada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle.

Shirkaan Dib u Heshiisiinta ah waxaa goob joog u ahaa ,Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Maamulada Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, Imaam Daahir Imaam Maxamuud, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Waxgarad iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweyne Sharif iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Duubabka iyo waxgaradka Gogoshaan Nabadeed isugu yimid ku adkeeyay inay dhameeyaan colaada deegaanadaan ka jirta si bulshadu ay ugu noolaadaan nabad wadajir iyo walalnimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.