Daawo:Xildhiban Cabdirasaaq Ciid oo Ku Baaqay in xilka Laga qaado wasiirka gashaandhiga “Wasir TIKTok

wasiir

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid oo ka mida Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa maanta kulankii golaha shacabka weerar afka ku qaaday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur “Wasiir TikTok”, isagoo sheegay in wax masuuliyad ah ama damqasho ah aysan ka heyn weerarkii lagu qaaday Kuliyada Jaalle Siyaad.

Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa baarlamaanka u soo jeediyey inay ka fiirsadaan in wasiirkaan uu sii heyn karo xilka, “Ninkaan markii uu nasoo hor isgaatay kama uusan tacsiyeyn, askartii lagu laayey kuliyadda Jaalle Siyaad, ma muujin wax jixin-jix ah, guddiga ku shaqada leh waxaan ka rabnaa in ninkaan ay na hor keenaan,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka loo dhiibay wasaaradda gaashaandhigga uusan u qalmin wasaaradaas, isla markaana uusan ka damqan ciidanka maalin kasta ku dhamaanaya dhagarta Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.