Gudoomiye Aadan Madoobe oo Barlamaanka ka cayrshay Wasiirkii Cadaalada

Aadanmadoobe

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud ayaa goor dhow laga saaray xarunta Golaha Shacabka kadib markii uu ka soo dib dhacay muddo ka badan hal saac waqtigii lagu wargeliyay inuu Golaha horyimaado si uu uga hor akhriyo Hindise sharciyeedka Federaalka oo markii labaad maanta akhrintiisa la baajiyay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe ayaa golaha ka cayrshay Wasiirka cadaalada isagoo sheegay ficilka Wasiirka ay Xildhibaannada u arkeen yareysi iyo ilhaano lagula kacayo Golaha.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada golaha Shacabka ayaa soo jeediyey in Wasiirka xilka laga qaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.