Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho iyo eedda loo jeediyay qoyska madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Gudoomiye Madaale ayaa muranka ka taagan dhulka Kaasa Italia ee degmada Xamarweyne, kaas oo burburin lagu bilaabay, kadib markii la barakiciyay dadkii deganaa.
Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in dhulkan oo uu lahaa Talyaaniga, ayna hadda soo dalbaday safaaradda dalkaas, isla-markaana ay rabto inay ku shaqeyso dhulkaasi.
Leave a Reply