Xamse oo Booqasho ugu Tagay Madaxwayne Farmaajo

Xamse

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Madaxweynihii hore Farmaajo ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu adkeeyey doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.

Dhankiisa, Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.