Soomaaliya oo Itoobiya u Ogalaatay inay Isticmaasho Dakadeheeda.

itoobiya

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa guddoomiyey shirka golaha Wasiiradda, kaasi oo laaga hadlay xaaladaha amni ee dalka, iyada oo la ansixiyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda Soomaaliya la gashay Ethopia.

Heshiisyada goluhu ansixiyey ee ay galeen ayaa ku saabsan dhinacyada Ganacsiga, Iskaashiga Arrimaha Difaaca, isticmaalka Dekadaha Soomaaliya iyo Waxbashada Tacliinta sare.

Sido kale golaha ayaa ansixiyey soo jeedintii Wasaaradda Maaliyadda ee habraaca maamulka Guddiga Isku-dhafka Wasaaradeed ee bixinta qandaraasyadda dowlada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.