Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo uu ku adeeganayo Taliyaha Nabadsugida Mahad Salaada ayaa Dhuusamareeb iskaga tagay.
Madaxwayne kuxigeenka Galmudug oo kusugan Degmada Caabudwaaq ayaa waxaa mahadsalaad usoo dhiibay labo qorshe.
1:Qorshaha kowaad ee Madaxwayne kuxigeenka loo soo dhiibay ayaa ah inuu carqaladeeyo Shirka Midnimada Beesha Mareexaan ee ka furmay Guriga Ugaas Maxamed kasoo ay ka qayb galeen bulshada Caabudwaaq dhamaantood iyo Siyaasyiinta ku matala Galmudug.
Waxaa kaloo lasoo Faray Madaxwayne kuxigeenka inuu burburiyo Maamulka iyo Nidaanka Degmada Caabudwaaq.
2:Qorshaha Labaad ee loo soo dhiibay Madaxwayne kuxigeenka Galmudug ayaa ah inuu qalqal siyaasadeed ka abuuro maamulka Galmudug si loo dhaho msamulkii galmudug waa burburay.
Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug Cali Ciid intuu Xilka hayey marnaba kama shaqayn horumarka iyo waxka qabashada Baahiyaha ka jirta deeganada uu matalo. Balse badalkeeda waxuu ka shaqeeyey sidii ay dib udhac ugu imaan lahaa, waxaana tusaale ugu filan is hortaagii uu ku sameeyey golihii Deegaanka Debada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.
Waxaa Degmada Caabudwaaq Shalay ku qabtay kulan Xildhibaanada Galmudug kuwaas oo taageeray qoraalkii Madaxwaynaha Galmudug uu kaga horyimid shaqa ka joojinta Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug iyo Maamulka Degmada Caabudwaaq.
Leave a Reply