Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabadda, Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Golaha deegaanka Dhusamareeb oo saakay sy ka shahiideen Xildhibaan Maxamed Maxamuud Axmed (Maxamed yare) oo ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Abdullahi Ibrahim Shaaciye oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka Dhuusamarreeb.
mudanayaashaan ayaa shahiiday xili ay ka qeyb qaadanayeen howlgalka lagu baacsanayo khawaariijta ee deegaanka Ceelgaras.
Madaxweynaha ayaa Eebe uga baryay inuu xildhibaanada shahaadada u aqbalo, samir iyo iimaanna kasiiyo eheladii ay ka baxeen.
Leave a Reply