Daawo:Kulan lagu Xasuusanayo dadkii ku Shahiiday Soobe oo Muqdisho ka dhacay

Qaraxsoobe

:-uddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenada G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud ayaa kumanaan shacab ah kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay Shuhadadii ku naf-waayay dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-October 2017 & 29-October 2022 ee ka dhacay Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ay Khawaarijta ku xasuuqeen maato aan waxba galabsan oo isugu jiray Waayeel, Caruur, Haween iyo Dhalinyarro.

Isku soo baxa Bulsho ee loogu duceenayay Shuhadada ayaa dhiig shubis loogu sameeyay Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa difaaca Shacabka, iyadoona Bulshada Gobolka Banaadir ay cod dheer ku taageereen Dagaalka Sifeynta Khawaarijta ee ka socda guud ahaan dalka, kaasi oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.