Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo Ka Qayb galay Kulan Lagu taageerayo Qoondada Haweenka

wasiir

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay xaqiijinta doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin siyaasadda iyo matallaaddooda ku aaddan goleyaasha dowladda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad looga hadlayey waafajinta sharciga dalka ee qoondada matallaadda haweenka ee boqolkiiba 30, ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed ee  ku jira goleyaasha dowladda dadaalka ay ugu jiraan in dumarku ay si fiican uga dhex muuqdaan siyaasadda dalka.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen Kutladda Haweenka ee Golaha Shacabka ee BFS, ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka F.S Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.