Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb iyo Ujeedka Safiirkiisa

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, halkaas oo uu ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay argagixisadu kaga dhuumaaleysanayso Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Imaatinka Madaxwayne Xasan Sheekh Magaalada Dhusamareeb ayaa la xariirta sidii loo dardargalin lahaa dagaalka Lagula jiro Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.