Sawiro:Wasiir Khadiija oo la guddoonsiyey Abaalmarinta ugu sarreysa Jabuuti

khadiijo

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye ayaa maanta la guddoonsiiyey abaalmarinta ugu sarreysa dalka Jabuuti.

Munaasabad ka dhacday dalka Jabuuti ayna goobjoog ka ahaayeen qaar ka mid ah haweenka dalkaas ayaa Wasiirka waxaa abaalmarinta guddoonsiiyey ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti mudane Cabduqaadir Kaamil Maxamed.

Marwo Khadiija Maxamed Diiriye oo warbaahinta la hadashay ayaa ugu mahadcelisay dowladda Jabuuti gaar ahaan Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisa.

Wasiir Khadiija ayaa sheegtay maamuuskaan in ay ku hashay muddadii dhawrka iyo 20-ka sano ee u adeegaysay Qaranka, iyada oo ka mid ahayd mas’uuliyiinta goobjoog ka ahaa shirkii Carte ee ka dhacay dalka Jabuuti 2000.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.