Shirweynaha 5-aad ee wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha caafimaadka ee dowlad goboleedyada dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Dhuusamareeb, waxaana furay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye.
Wasiirro iyo Agaasimayaal ka kala socda wasaaradaha caafimaadka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa Dhuusamareeb u yimid ka qeyb galka shirkaan oo socon doona muddo labo maalmood ah.
Leave a Reply