Qarax ka dhacay kuliyadda Jaale Siyaad ee Magaalada Muqdisho

ciidan

Qof walxo qarxa isku soo xiray ayaa ku qarxay dibadda ilinka laga galo kuliyadda ciidamada ee Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Qofka xirnaa walxaha qarxa ayaa ku soo dhawaaday albaabka laga galo kuliyadda, balse askarta ilaallada ka ahayd ayaa u sheegay in uu joogsado, wuu ka dhaga adeegay, deetana waxay ku fureen rasaas, isagoo halkaa ku qarxay.

Taliska ciidanka dhulka xds ayaa sheegay inaanu jirin wax qasaara ah oo gaaray ciidanka marka laga reebo dhagarqabihii ciidanku toogteen ee isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

24-kii Luuliyo ee sanad kan ayay ahayd markii qof isku soo xiray walxo qarxa uu beegsaday askar saf ku jirtay gudaha Kuliyadda Jaale Siyaad, halkaas oo ay ku dhinteen tobannaan ka tirsan ciidanka milatariga Soomaaliya, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.