Sawiro: Xasan Sheekh oo shirguddoomiyay kulan degdeg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada

xasansheekh

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeeshay kulan degdeg ah oo looga hadlayey saameynta ka dhalatay roobabka wata daadadka xooggan ee ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

Shirka oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa Madaxweynaha warbixin ku saabsan gurmadka socda ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo sheegay in xukuumaddu ay guddi heer qaran ah u saartay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay saameysay El-nino.

Madaxweynaha oo kulanka ka hadlay, ayaa ku ammaanay xukuumadda dadaalka ay gelisay samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka iyo daadadka, isaga oo ku boorriyay xubnaha guddiga in ay labo jibbaaraan dadaalkooda. Waxaana uu ku baaqay in dadka looga digo inay ka fogaadaan goobaha qatarta ah, sida meelaha godan iyo goobaha biyo mareennada ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo kulankan aan caadiga ahayn ka qaybgalay ayaa wuxuu Golaha Warbixin ka siiyay saameynta roobabku ku yeesheen gobolka Banaadir iyo dadaalka la xiriira arrintan ee uu wado maamulka Gobolka.

Sidoo kale, kulanka golaha ayaa lagu meelmariyey Xeer-nidaamiyaha Nidaamka Xaqiijinta Macaamilaadka Maaliyadeed iyo Hubinta Tayada Isgaarsiinta, kaas oo looga golleeyahay in lagu maamulo dhammaan arrimaha la xiriira la-socodka iyo kor-joogteynta macaamilaadka iyo tayada adeegyada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

May be an image of 1 person and dais

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.