Yaa Ka dambeeyey in SSC-Khaatumo looga reebo tartanka ciyaraha 

Khaatumo

Wasaaradda ciyaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in gabi ahaanba laga reebay ciyaartoyda xulka SSC- Khaatumo ka qayb galka ciyaaraha Maamul Goboleedyada dalka oo dhawaan la filayo inay ka furmaan magaalada Muqdisho.

Wasaarada Ciyaaraha ayaa go’aankaan qaadatay kadib soo jeedin ka timid guddiga garsoorka ee ciyaaraha oo tilmamaay inaysan SSC- Khaatumo buuxin shuruudihii looga baahnaa ka qayb galkooda ciyaarahan

Waxaa sidoo kale wasaaradda ciyaaruhu ay sheegtay inaysan jirin cid cadaadis ku saartay inay ka reebaan liiska ka dib warar soo baxay oo sheegay inay culays soo food saaray.

Magaca Khaatumo ayaa ka soo muuqday liiska isku aadka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo dhawaan ay shaaciyeen wasaarada ciyaaraha iyo xiriirka kubada cagta ee dalka.

Wararka kale oo aan helayno ayaa sheegaya Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele uu codsaday inaan SSC loo aqoonsan Maamul.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.