Sawiro:Xasan Sheekh oo guddoomiyey shir looga hadlayey amniga

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka.

Madaxweynaha oo ka dhagaystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ayaa tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso  guulaha ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey naf-hurnimada Ciidanka Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in abaabulka xoogagga dadweynaha ay wax weyn ka tari doonto halganka.

May be an image of 6 people and dais
May be an image of 9 people, dais and text

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.