Daawo:Guddoomiye Sacdiya Firinbi oo Shir guddoomisay kulankii gudidda joogtada

sacdiyofirinbi

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwa Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abishiriw ayaa shir guddoomisay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS Kalfadhiga 4aad kulankiisa 2aad.

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa ansixinta iyo agendeynta kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka BJFS, iyagoo ay goob joog ahaayeen xubnaha guddiga,

Fadhiga maanta ayaa ku soo gabagaboobay in kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kulamadiisa ugu horeeyo looga hadlo dhibaatooyinka fatahaadaha ka jira dalka iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay saameeynta xogan ay ugeeysteen daadadkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.