Sawiro:Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Qaabilay Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

aqalka sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Marwo Karin Johansson iyo xubno kale oo la socday.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa  ka wada hadlay, xaaladda guud ee Dalka, arrimaha dib u eegista Dastuurka iyo sidii midowga Yurub ay gacan uga gaysan lahaayeen horumarinta howlaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS.

Midowga Yurub ayaa waxaa xiriir wanaagsan waxa uu kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, iyaga oo Soomaaliya ka taageera arrimaha hormarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, xasalinta, tababarrada iyo arrimaha Bini’adaannimada.

Karin Johansson oo dhawaan loo soo magacaabay Safiirka Midowga Yurub ayaa September 18, 2023 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dhuusamareeb ku sugnaa xilligaas ayuu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.