Aadan Madoobe oo Shacabka ugu hambalyeeyay Cunaqabteynta hubka Soomaaliya Laga qaaday

Aadanmadoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan guusha taariikhiga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka u diray dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Madoobe oo xusay dadaalka Dowladda ay ku bixisay in la qaado cunaqabateynta hubka, iyo faa’iidada ay leedahay ayuu ku sheegay in qeyb weyn ka qaadan doono xorreynta degaannada Khawaariijta ay ku suganyihiin iyo inaan si casri ah u qalabeyno ciidankeena, waxaana uu uga mahadceliyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo u codeeyay in Soomaaliya cunaqabataynta hubka la qaaday wixii caawa ka dambeeya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.