Madaxwaynaha Galmudug ayaa lagu Soo dhaweeyey Magaalada Hobyo

Qoorqoor

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo hoggaaminaya wafdi sare ayaa galabtay gaaray Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka kooban xildhibaannada labada aqal ee BFS lagana soo doorto Galmudug, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato iyo siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafidigiisa ayaa ah dhammeystirka dadaallo muddooyinkii dambe uu waday hoggaanka sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku aaddanaa ballaarinta iyo dib u casriyeynta Dekadda Hobyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.