Daawo:Madaxwayne Xasan oo Safiiro Kula Kulmay New York

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayo shirka Amniga Soomaaliya oo ka furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ku saabsan xaaladda amniga Soomaaliya iyo ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya.

Madasha waxaa ku suganaa Safiirada, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo midowga Yurub.

Madaxweyne Xasan Sheekh waa uu sheegay in dowladdu qorshaysay mashruuc ballaaran oo adeegyada dowladda lagu gaarsiinayo deegaanada baaxadda leh ee dhawaan laga xoreeyey maleeshiyaadka argagixisada ah ee Khawarijta, sida adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.