Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Ugaas Maxamed Ugaas Axmed oo Maanta lagu soo dhaweyey Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Garaad Jaamac oo ka.hadlaayey sida sida beesha Sade u garab istaagtay Bulshada SSC ayaa yiri “Harti marka laga yimaado jaaliyadda ugu badan ee Xorayntii SSC ka qaybqaadatay waxa ay ahayd Jaaliyadda Beesha Sade Darood.
Jaaliyadda COLUMBUS OHIO ee carriga mareekanka hal maalin ayaa waxa ay halganka ku wareejiyeen 500,000 $ (shan boqol oo kun oo dollar)
Garaadka ayaa ka hadlay qasriga cusub ee garaadka looga dhisay magaalada caasimadda halkaas oo ay maanta soo gaareen isaga iyo ugaaska guud ee beelaha Sade Daarood iyo wafti culus oo la socday oo uu ka mid ahaa taliyihii hore ee ciidamada lugta dalka soomaaliya jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.
Leave a Reply