Qarax lagu xirey gaari noociiisa yahay Noha oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa ka dhacay degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey
Cabdiwahaab Cismaan Axmed oo ahaa shaqaale ka tirsan xarunta ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degmada huriwaa, halka sidoo dhaawacyo halis ah ka ay soo gaareen labo hawl-wadeeno oo kale.
Sidoo kale dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray labo kale oo ka tirsan hawl-wadeenada Hormuud ee degmada Heliwaa.
Arrintan ayaa imaaneysa 10 maalin kadib markii qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah oo deegaanka Tredishe lagula eegtay gaari ay lahayd Shirkadda Hormuud kaasi oo sababay dhimashada Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqalaha Shirkadda.
Waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkaan qaraxyo is xigxigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha iibka ee shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile, BTS-yadii shirkadda xaafadaha Igadaba-gey & Safaari ee deegaanka Garas-Baaley iyo Bts-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha.
Leave a Reply