Maamulka Banaadir oo Gacanta ku dhigay Shirkado lacago baad ah ka qaadayay Bajaajleyda

jimcaale

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda ka howl gasha Muqdisho, waxa uuna maamulka Gobolka sheegay in sharciga lala tiigsan doono kuwa gacanta lagu soo dhigay iyo cidkasta oo ku howlan dhibaateynta bulshada.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Xassan Cumar ayaa yiri, “Maamulka gobolka Banaadir waxa uu caddeynayaa in wax shaqo ah ku lahayn lacagahaas laga qaadayay bajaajta ka howlgala gobolka”.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay inaan gaadiidka Bajaajta ah laga qaadi karin Lacag dhaafsiisan waxii sharciga ahaa ee ku waajibay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.