karaash oo Taageeeay inay Doorashada Puntland lagu Galo 49 Xildhibaan

karaash

Madaxwayne ku Xigeenka Pumtland Axmed Cilmi Karaash ayaa taageeray Go’aankii Isimada Puntland iyo kii Garaadada SSC.

War Qoraal ah oo soo saaray Madaxwayne kuxigeenka Puntland ayaa sidaan u qornaa.

“Markaan arkay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee Puntland ku sugan tahay.

Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December.

Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas.

Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen.

Waxaan ka digayaa talaabo kasta oo keeni karta xasilooni daro siyaasadeed iyo mid amni.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.