Sawiro:Madaxweyne Xasan oo Aqoonsiga Danjirinimo ka Guddoomay Danjireyaal Afar ah

xasansheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta ee loo soo magacaabay Soomaaliya, kuwaas oo kala ah; Marwo Namgya Choden, Mudane Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Mudane Abdullahi Mutlaq Al Otabi.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin Dowladahoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha u sheegay in ay soo dhoweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.v

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.