Madaxwayne Farmaajo oo walaac ka Muujiyey qorshaha Madaxtooyada ee laalista Dastuurka KMG

Farmaajo

Madaxwaynihii hore ee soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa ka Digay qorshaha Madaxwayne Xasan uu wado kaas oo labo in Isbadal lagu sameeyeo Dastuurka Soomaaliya.

Iyadoo aan ognahay khatarta jiritaan ee maanta ku xeeran dadka iyo dalka Soomaaliyeed, Annagoo ka duulayna sida shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed ay ugu midoobeen difaaca midnimadooda iyo madaxbannaanidooda, meelna ay isaga dhigeen arrimaha khilaafka gudaha, mucaarad iyo muxaafidna ay arrinkan ku garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo goleyaasha dowladda.

Waxaan ka walaacsannahay qorshaha Madaxtooyada ee lagu laalayo dastuurka iyo hannaanka maamul ee dalka, kaas oo ay ka dhalanayso qalalaase siyaasadeed oo wiiqaya hannaanka ku saleysan Federaalka iyo wadatashiga ee heshiiska lagu yahay.

Marxaladdan xasaasiga ah ee aynu ku jirno ma xamili karo dalkeennu in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo kala qeybin bulsho, sidaas awgeed waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh, gudoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda in ay mideeyaan cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed sidii loo difaaci lahaa midnimada, gobanimada iyo qarannimada dalkeenna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.