Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Dowladda Puntland
oo uu uga qeybgalayo Caleema-saarka Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir ee Garowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha la doortay ee Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa markale u hambalyeeyay Madaxweyne Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo 8-dii bishaan markale loo doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Leave a Reply