Madaxwayne Sheekh Shariif ayaa Ka Digay Qorshaha Xasan Sheekh Dastuurka Wax Oga Badalayo

shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka digay qorshaha Dowladda Federalka Soomaaliya ee Dastuurka KMG ah wax looga badalayo.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu yiri:-

‘Waxaan markhati maddoonta ah in dalkeenna uu maraayo marxalad adag, kuna jiro xaalad xasaasi ah oo u baahan midnimo iyo wada tashi si loo waajaho xaaladda adag.

Waxaan si dhaw ula soconnaa khtaraha ku xeeran dadka Somaaaliyeed oo maanta u baahan in laga ilaaliyo wax kasta oo keeni kara khilaaf, maanta waa fursad dadka Soomaaliyeed dib loogu mideyn karo meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa habboon in arrimaha wax ka beddelka Dastuurka loo raaco hab raaca uu tilmaamayo Dastuurka kumeel gaarka ah, waqtina la siiyo wadatashiga iyo ra’yi aruurinta arrimaha wax ka beddelka Dastuurka, si looga fogaado khilaaf cusub iyo kala aragti fogaansho uusan dalku marxaladdaan qaadi karin.

Dowladda, waxaan kula talinaynaa in ay ku mashquulaan arrimaha horu-tabinta u leh danaha Qaranka Soomaaliyeed, waqtigaan la joogana uga shaqeeyaan si taxaddar leh.

Sidoo kale, Dowladdu waa inay qaaddo tallaabooyin u dhigma waxa ka socda gobalka oo lagu xaqiijinaayo badqabka madax bannaanida iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, sidi aan horey u ballan qaadnay waxaan diyaar u nahay inaan dowladda kala shaqayno difaaca dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.