Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay gogosha wadahadalada ee ka furmi doonta Magaalada Garoowe ee Xarunta maamul goboleedka Puntland.
War qoraala uu daabacay Shariif sheekh Axmed ayaa sidaan u qornaa.
Waxaan soo dhawaynayaa gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni xilligaan uu dalku waajahaayo xaalado culus oo ay ugu muhiimsanyihiin; amniga, arrimaha dastuurka, qaab dhismeedka doowladnimada, midnimada iyo madax bannaanida oo u baahan wada tashi iyo wada shaqeyn.
Waxaan rajaynaynaa in gogoshaas qabsoomi doonto, madaxda ka soo qayb gashana ka soo saari doonto go’aanno dhaxal gal ah oo dan u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Leave a Reply