Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenada Amniga & Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa Tacsi ugu tagay Qoyska Marxuumad Luul Sheekh Cabdi.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kafaalad qaaday Nolosha Caruurta Agoonta ah oo ay ka geeriyootay Marxuumada. Asigoona sheegay in Laamaha Amniga ay ku raad joogaan Danbiilaha Baxsadka ah, isla markaana ay qoyska cadaalad heli doonaan.
Leave a Reply