Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Cusub ee UNSOM

laftagareen

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wakiilka Cusub ee UNSOM Deeganada Koonfur Galbeed Dr Mangnus Bjarnason iyo Wafdi uu Hogaaminayo.

Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiilka Cusub ayaa ka wada hadlay Xoojinta Wadashaqaynta UNSOM iyo Dowladda Koonfur Galbeed, Taageerida Mashaariicda Hormarineed, Amniga, Siyaasada iyo Arimaha Biniadanimada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlaamnka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed nuur Maxamed Macalin iyo La Taliye Sare Cabduqaadir Yaanyuurow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.