Hay’adda duulista Soomaliya oo U jawaabtay Maamulka Muuse Biixi

garoon

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya. Hawada dalkeennu waxay leedahay magac soo jireen ah kaas oo la isticmaali jiray laga soo billaabi 1960; “MOGADISHU FLIGHT INFORMATION REGION (FIR).”

Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid kamid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.